Wararkii ugu dambeeyey ee murashax madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo lagu xiray magaaladda Hargaysa

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Garoonka Hargeysa lagu xiray xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo hadda ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Doorashada 20/21 ayey ciidamada Somaliland ee Garoonka Cigaal ku xireen magaalada Hargeysa, kadib markii uu halkaasi ka degay.

Mustaf Dhuxulow oo ku safarayay Baasaboor UK ah ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa. Wararka ayaa sheegaya inuu transit ku ahaa garoonka magaalada Hargeysa, kadibna ay ciidamada amniga Somaliland qabteen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland, kuna saabsan xariga xildhibaanka iyo musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya.

Balse wixii warar ah ee kusoo kordha arinka xariga Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa haddii aan nahay nahda Xorriya.com.

Xorriya Online