Wararkii ugu Dambeeyey ee Doorashada Mareykanka

Musharaxa Xisbiga Demoqraadiga Joe Biden ayaa waxaa wali sii xoogeysaneysa tirada uu ka hormarayo Madaxweynaha xilka haya Donald Trump, codadka ilaa iyo hada la tiriyey ee gobolada Georgia, iyo Pennsylvania.

Halka sidoo kale uu wali ka sareeyo gobolada Arizona iyo Nevada.

In kastoo meelaha qaar la isku dhow yahay, Biden ayaa waxaa sii xoogeysanaya rajadiisa inuu ku guuleysto madaxweynenimada Mareykanka.

Saraakiisha doorashada ee guud ahaan Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu baaqaya in la siiyo ciidamada booliska iyo kuwa sharci ilaalinta ee federaalka si ay gacan uga geystaan ilaalinta nabadda, xilligan oo ay socoto tirinta codbixinta ay tirintoodu harsan tahay.

Laga bilaabo magaalada Philadelphia ilaa Phoenix, waxaa lagu arkayay safafka askarta bilayska ee labbisan oo kala soocaya kuwa dabaal-degaya, dibadbaxayaasha iyo shaqaalaha ku howlna tirinta codadka ee ku jira gudaha xarumaha dawladda iyo goobaha kale ee ay howsha tirintu ka socoto.

Illaa iyo hadda, kulamadan ayaa ahaa kuwa nabdoon. Laakiin saraakiishu waxa ay ka digayaan in xiisaduhu ay cirka isku sii shareeri karaan, marka lagu dhowaado in lagu dhawaaqo guuleystaha doorashada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email