Wararkii u dambeeyey doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo ku xigenkiisa.

Laba musharax ayaa isu diiwaan gelisay inay u tartami doonaan xilka madaxweynaha Hirshabeelle, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Jimcaale iyo Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe madaxweyne ku xigeenkii muddo xileedkiisa dhameystay.

Aqoon dheer looma lahan Musharaxaan kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jimcaale oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, waxaysa wararku sheegayaan in Cali Guudlaawe uu u noqon doono malxiis.

Cali Guudlaawe ayaa aad loogu xaglinayaa inay isu dhowyihiin Villa Somalia, waxaana la aaminsan yahay inay ku tala jirto sidii ay madaxweynaha Hirshabeelle uga dhigi laheyd, taas oo Cali Guudlaawe ka dhigeysa musharaxa ugu cad cad waqti xaadirkan xilka madaxweynaha.

Sidoo kale laba musharax ayaa shalay isu diiwaan gelisay xilka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, kuwaas oo kala ah Maxamed Dheere oo ka mid ahaa golihii wasiirrada Hirshabeelle iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.

Arbacada maanta ah ayaa loo balansan yahay inay doorashadu ka dhacdo magaalada Jowhar, halkaas oo ay saakay ka bilaabatay qaban qaabada doorashada.

Saadaasha waxa maanta laga filan karo Jowhar ee qoraha warbixintaan.

● Madaxweynaha soo socdo ee Hirshabeelle waxaa noqon doono Cali Guudlaawe.

●Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle waxaa noqon doono Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

AFEEF: Aragtida saadaashan waxay ka tarjumaysaa qoraha ku saxiixan oo qura, ma aha wax u gaar ah Xorriya.com.

Mohamed Farah

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email