Wakiilada beesha caalamka oo Garowe u tegay xalinta muranka ka taagan doorashooyinka federaalka

Wafdi ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta tegay magaalada Garowe, iyagoo la sheegay inay xal u raadinayaa muranka hareeyay Doorashda Soomaaliya.

Wafdiga tegay Garowe ayaa ka koobnaa wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD, waxayna magaalada Garowe kulan kula yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay kala hadleen sidii doorashada ugu dhici lahayd waqtigeeda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in kulanka wakiilada Beesha caalamka iyo Madaxweynaha Puntland looga hadlay xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, u diyaar garowga Doorashooyinka Qaran, dib u eegista Dastuurka iyo arrimo kale.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dib u dhaca ku yimid jadwalkii Doorashada iyo iyadoo aanay dowladda Federaalka fulin saddex qodob oo lagu heshiiyey si xal loogu helo caqabadaha hortaagan Doorashada 2020/2021.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email