Wafdi ku wajahan degmada Baraawe iyo qaban qaabo ka socota

Degmada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Magacaaban ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Maamulka Degmada Baraawe oo uu ugu horeyo Duqa Degmada Cumar Sheekh Cabdi Shafaani ayaa waxaa ay wadaan qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga uu Hogaaminyo Gudomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ee Magacaaban Cabduqaadir Siidii.

Wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ee degmada Baraawe uu ku tegayo ayaa waxaa qeyb ka ah guddoomiyaha degmada Marka Cabdulaahi Cali Axmed Wafow iyo Xubno kale.

Gudodomiyaha Magacaaban ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa waxaa lagu wadaa in munaasbad ka dhaceysa degmada Baraawe uu xilka kula wareego, sidoo kalena uu kulamo la qaato Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyada oo amniga siweyn loo adkeeyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email