Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka dekedaha iyo kaluumaysiga Galmudug oo gaarey Hobyo

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Galmudug ayaa gaarey Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Waxaa qeyb ka ah wafdiga Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya & Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Ha’yadda WFP.

Waxaana u jeedka safarkaan ay u yimadeen ee tahay dhagax dhigga dhismaha Deked macmal ah oo ay dhisi doonto Ha’yadda WFP.

Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ku saxiixey hishiis lagu dhisayo Dekeda Hobyo waxaana Dekedaan Macmalka ah suurta galin doontaa in qalabka lagu dhisayo dekeda laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faaidaystaan ganacsatada reer Galmudug.