Trump oo laga diiday in la joojiyo tirinta codadka Pennsylvania

Madaxweyne Donald Trump ayaa dacwad u gudbiyay maxkamadda isaga oo codsanaya in la joojiyo tirinta codadka gobollada lagu hardamayo, oo ay sii yaraanayaan codadka uu ka helayo.

Gobolka Pennsylvania, xaakim heer federal ah ayaa diiday codsiga kooxda ololaha doorashada ee Trump ay ku doonayaan in la joojiyo tirinta codadka.

Xaakim Paul Diamond oo sidoo kale ka jawaabayay cabashada kooxda ololaha Trump ee ah in loo diiday inay ergo u diraan goobta lagu tirinayo codadka ayaa sheegay in haatan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga loo oggol yahay inay diraan 60 wakiillo ah.

Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in Jamhuuriyiinta aan loo diidin inay korjoogto ka noqdaan tirinta codadka, balse keliya hal wakiil loo diiday sababtuna ay tahay inuu u hoggaansami waayay shuruucda kala fogaanshaha bulshada.

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email