Tabin Toos Ah: Natiijooyinka Doorashada Madaxweynaha Mareykanka

Goobaha codbixinta ayaa badi xirmay dalka Mareykanka xalay waqti dambe, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriga Donald Trump iyo ninka la tartamaya ee Dimuqraadiga, Madaxweyne kuxigeenkii hore Joe Biden, ay sugayaan in saraakiisha doorashooyinku ay soo saaraan tirinta ama natiijada ugu horreysa ee codabixinta tartanka sida weyn loogu loollamay ee loogu jiro ciddii noqon laheyd madaxweynaha Mareykanka afarta sano ee soo socota.

Iyadoo goobaha codbixinta la xiray gobolka ku yaalla bartamaha dhexe ee Indiana iyo gobolka deriska la ah ee Kentucky saacaddu marka ay ahayd 6-da maqribinomo ee waqtiga maxalliga ah, dadka ayaa wali sii waday in ay ka codeeyaan gobollada Bariga iyo dhammaan Galbeedka Mareykanka.

In ka badan 101 milyan oo qof ayaa toddobaadkyadii la soo dhaafay sii codeeyey, taasi oo qeyb ka ahayd in laga fogaado in dadku ay si fool ka fool ah u kulmaan maalinta Doorashada, xilli ay wali jiraan kiisaska cudurka COVID-19.

Tirinta hore ee codbixinta ayaa diiradda lagu saarayaa labada gobol ee badda Atlantic dhaca – Florida, oo ah gobol uu deegaan ka dhigtay Trump, iyo North Carolina.

Labadan gobol ayuu Trump si dirqi ah ugu guulaystay sanadkii 2016-kii, oo uu ka adkaaday musharraxii Dimuqraadiga Hillary Clinton, laakiin ra’yi aruurinta dadweynaha ayaa muujineysa in Trump iyo Biden ay si aad ah isugu dhow yihiin.

Waxaa soo baxaya natiijooyin hore dhac ah, iyadoona doorashada ay u muuqato mid aad la isugu dhow yahay oo si adag loogu loolamayo Gobollada ugu muhiimsan ee lagu tartamo, kuwaasoo go’aamiya guusha musharaxa noqonaya Madaxweynaha oo u baahan 270 codadka loo yaqaan ‘Electrol College’ oo Gobollada dalka Mareykanka mid kasta tiro gaara leeyahay.

Natiijooyinkii ugu horeeyay waxay muujinayaan inuu labada musharax isku heystaan Gobollada codadkooda muhiimka yihiin ee kala ah:

Ohio: (Waa la is dhow yahay waxaa ku horeeya Trump.. )

Texas: (Aad ayaa la isugu dhow yahay waxaa horeeya Trump..)

North Carolina (Waxaa horeeya Trump)

Florida (Waxaa qarka u saaran Trump)

Pennsylvania (Aad ayaa la isugu dhow yahay..)

Michigan (Waa socotaa tirinta waxaa horeeya Trump…)

Iyadoo tirinka codadka ay socoto ayaa markii hore waxaa ku horeeyay Joe Biden, laakiin hadda waxaa muuqata inuu si weyn sare ugu soo kacayo Madaxweyne Trump, taasoo ay ugu wacan tahay in dadkii hore u codeeyay ay u badnaayeen taageerayaasha xisbiga Dimoqraadiga, halka dadka shalay codeeyay ay u badan yihiin taagerayaasha Jamhuuriga.

Gobolka uu sida weyn u doonayo inuu helo codadkiisa ee go’aamin doona rajada Doorashada Joe Biden ayaa ha Gobolka Pennsylvania oo la’aantiis aanu heli karin guusha.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in labada gobol ay lagama maarmaan u yihiin in uu Trump mar kale ku guuleysto madaxtinimada, kana fogaado in uu noqdo madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah ee afartankii sano ee la soo dhaafay looga adkaado tartankiisa dib u doorashada.

Haddii uu Biden ku guuleysto labadan gobol midkood ama labadaba waxa ay si weyn kor ugu qaadi doontaa fursadaha uu ugu guuleysan karo madaxweynenimada ee isku daygiisii saddexaad. Waxa uu lumiyay tartan uu u galay inuu noqdo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga sanadihii 1988-kii iyo 2008-kii.

HALKAN KALA SOCO NATIIJADA DOORASHADA

Ilaa iyo hadda codadka ergada doorashada Mareykanka waxaa ku horeeya Joe Biden.

Waxaa uu heystaa 209 cod, halka Donald Trump na uu helay 118 cod.

Musharaxa guuleysata waxaa laga rabaa 270 cod oo ah kuwa ergada doorashada.

Joe Biden ayaa ku horeeya codadka waana musharaxa inta badan Soomaalida Maraykanka ay u codeeyeen.

Donald Trump ayaa sheegtay guul aan lagu raacsaneyn, kaadib khudbad uu goor dhow ka jeediyay Aqalka Cad – iyadoo weli ay harsan yihiin malaayiin codad ah oo aan la tirin.

Xubno sare oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan iyo dadka wax falanqeeya ayaa walaac ka muujiyay hadallada aan la xaqiijin ee Trump.

Barasaabkii hore ee gobolka New Jersey isla markaana la taliye u ahaan jiray Trump, Chris Christie oo la hadlayay telefishinka ABC ayaa khudbadda madaxweynaha ku tilmaamay mid khaldan, istaraatiiji ahaan iyo madaxweyna ahaanba.

Waa go`aan istaraatiijiyadeed oo xun,” ayuu yiri. “Waa go`aan siyaasadeed oo xun.

Rick Santorum, oo ah sanatar hore oo gobolka Pennsylvania, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadallada Trump. “Adeegsiga erayga ku shubasho… waxaan u maleynayaa waa khalad,” ayuu u sheegay telefishinka CNN.

Ben Shapiro, oo arrimaha Mareykanka falanqeeya isla markaana cambaareeya Trump, ayaa barta Twitter-ka ku soo qoray in hadallada Trump ay yihiin kuwo “mas`uuliyad darro qota dheer ah”.

Natiijada hadda (11am) waa sidan, gobolka Arizona ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee isbadal sameeya.

Doorashadii 2016-ka waxa ay u codeeyeen Trump, balse iminka waxay codka siiyeen Joe Biden.

Ergada doorashada Arizona oo ah 11 waxaa helay Joe Biden.

Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray qoraal uu ku sheegayo in dadku ay isku dayayaan “inay XADAAN doorashada”. Ma uusan bixin caddeyn, balse wuxuu yiri “codadka lama tirin karo kaddib marka ay codbixintu dhammaato”.

Codadka boostada la soo dhigayo ma daahin karaan natiijada?

Shaki kuma jiro inaad in badan maqashay sanadkan codbixinta laga sameynayo boostada.

Maamulka gobolka Michigan ayaa ka digay in tirinta codadka boostada ay qaadan karto ilaa Jimcaha.

Biden oo la saadaalinayo inuu ku guuleysto Minnesota

Gobolkan oo ku yaalla bartamaha galbeedka Mareykanka ayna ku nool yihiin Soomaali badan ayaa taariikhiyan ah mid ay awood weyn ku leeyihiin Dimuqraaddiyiinta.

Xisbiga Dimquraaddiga ayaa ku guuleysan jiray doorasho walba oo madaxtinnimo 60-kii sano ee la soo dhaafay, marka laga reebo sanadkii 1972, markaas oo dadka Minnesota ay taageereen Madaxweyne Richard Nixon.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email