Suuqyada ganacsiga Garoowe oo saakay albaabada loo laabay (Akhri sababta)

Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee Magaaladaas.

Arrintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa sicir bararka dollarka oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Magaalada, waxaana meelaha xiran kamid ah, Goobaha lagu iibiyo Qudaarta iyo Hilibka.

Sarifka dollarka ayaa gaaray halkii ugu sareeyay abid Magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in halkii Dollar Maanta lagu sarifaayo 50 Kun oo Shillin Soomaali ah, halka Ganacsatada qaar ay diideen inay wax looga iibsado lacagta Shillinka Soomaaliga.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah Ganacsatada yar yar iyo bulshada ay Maanta abaabulayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Sicir Bararka dollarka ee Magaalada garoowe oo si weyn looga dareemay halkaas.

Dhawaan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa laga dareemay sicir barar lamid ah kan hadda ka jira Magaalada Garoowe, waxaana Madaxda Maamulka Puntland ay sheegen inay waxka qaban doonaan.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email