Soomaaliland oo beri xukun dil toogasho ah ku fulinaysa 5 maxbuus

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayan in beri oo Khamiis ah 5 maxbuus lagu fulin doono dil toogasho ah.


5-ta Maxbuus ee la sheegey in maalinka Beri ah lagu fulin doono Xukunka Dilka ah ayaa waxa ay horey Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ugu ridey Xukun Dil ah kadib markii lagu heley cadaymaha in ay dilal gaysteen.


Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegey in uu dhawaan saxiixay Xukunka lagu beri la rabo in lagu fuliyo Maxaabistan.

Si kastaba, hooyada dhashay mid kamid raga beri Soomaaliland ay dilkaan toogashada ah ku fulin doonto ayaa cadaalad dalbatay.

Hooyadan oo lagu magacaabo, Nimco Cismaan Cilmi kuna nool magaaladda Hargaysa ayaa madaxwaynaha Soomaaliland ka dalbatay in Dib loo eego kiiska Wiilkeeda.

Hooyadan oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in wiilka ay dhashay uuna ahayn muwaadin u dhashay Soomaaliland, isla markaana dal batay in dib u eegis lagu sameeyo kiiska wiilkeeda.