Somaliland: Gabar si arxan daro ah qoorta looga gawracay guri ku yaala magaalada Hargeysa

Ehellada Naateexo Ismaaciil Aadan ayaa sheegay in lagu dilay guri ku yaala magaalada Hargeysa habeenkii arbacada ee todobaadkan.

Nasteexo ayaa shaqaale ka ahayd guriga nin la yidhaahdo Mustafe Xasan Gaafaadhi oo uu dhalay wasiirka qorshaynta Somaliland Xasan Gaafaadhi.

Ehelka Nasteexo waxa ay intaa raaciyeen in isla habeenkaaba Mustafe laftiisu uu Maydkeeda geeyay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isagoona sheegay in uu ugu dhex yimid maydka Nasteexa gurigiisa.

Nasteexa Ismaaciil ayaa wuxuu weli yaallaa maydkeedu isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyada oo qoorta ka gawracan.

Qoyska allaha u naxariistee Naateexo Ismaaciil Aadan ayaa maamulka Muuse Biixi Cabdi ka dalbanaya cadaalad.

Xigasho: Cabdimaalik Muuse Coldoon

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email