Sidee musharraxa laga adkaado uu u qiranayaa guul-darrada?

Tani waa khudbaddii John McCain uu ku qirtay in Barack Obama uu kaga guukeystay doorashada sanadkii 2008, haddaba sidee Trump & Biden musharraxii laga adkaado uu u qiranayaa guul-darrada?

Sanatar Jones ayaa hadda igu wargeliyay in natiijada ay muujineyso in adiga lagu doortay, waxaana si degdeg ah kuugu soo gudbinayaa hambalyo. Waxaan arrinta ku wareejinnay dadka Mareykanka hankooduna waa sharciga.”

Musharraxii madaxtinnimada Mareykanka, William Jennings Bryan ayaa farriintaas gaaban aaladda telegram-ka ugu diray ninkii ay isla tartamayeen William McKinley sanadkii 1896, labo maalmood kaddib markii uu ku guul-darreystay doorashadii sanadkaas.

Waxay noqotay farriin qirasho guul-darro ah oo aad looga helay. Tan iyo wixii intaas ka dambeeyayna waxay ahayd mid ay adeegsadaan musharraxiinta laga guuleysto, iyadoo aan loo eegeyn cadaawadda ka dhalatay tartanka doorashada ee la isku hayay, waxaana musharraxa laga guuleyso uu farriintaas ku diri jiray saacado gudahood.

Balse ma jirto sharci ku qasbaya in musharraxa uu qirto guul-darro. Haddii uu musharraxu qiran waayo in laga adkaaday, waxay taasi albaabka u fureysaa dacwad maxkamad iyo jahwareer.

Sanadkii 2000, musharraxii madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraaddiga, Al Gore ayaa qirtay in George W Bush uu ka adkaaday, balse qirashadaas wuu ka laabtay wuxuuna dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare, maxkamadda ayaa arrinta xallisay iyada oo garta siisay Bush.

Dadka ayaa baraha bulshada ku soo wadaagayay farriimaha musharraxiinta madaxtinnimada ee laga guuleystay, iyagoo la barbardhigaya doorashada sanadkan 2020.

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email