Shirka musharraxinta mucaaradka Soomaaliya oo lagu wado in maanta lasoo gabagabeeyo

Waxaa maalmihii u danbeeyey kulan ugu socday Magaalada Muqdisho qaar ka mid mushariixiinta mucaaradka ah ee doorashada madaxtinnimada ee Soomaaliya.

Kulankaas oo ay sheegeen in ay kaga arrinsanayaan doorkooda ku aaddan doorashada dalka gelayo iyo walaacyo ay sheegeen in ay ka qabaan guddiyada doorashada ee la magacaabay.

Shirkan oo galay maalinkiisii afraad ayaa waxay sheegeen in ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha Caalamka iyo guddoomiyaasha labada aqal ee soomaaliya, lana wadaageen shakigooda ku aaddan habka doorasho ee dalku gelayo.

Haddaba shirkaas oo la filayo in uu maanta soo gebagabooba wixii kasoo kordha waxaad kala socon doontaan bogga xorriya.com.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email