Shirka midowga musharaxiinta oo wajigiisa labaad galay iyo wararkii u dambeeyey

Waxaa maanta wajigiisa labaad gelaya shirka wada-tashiga ee midowga musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Inta badan shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo dib ugu laabashada hanaanka loo maray guddiyada ay dowladdu u magacowday in ay maamulaan doorashada.

Musharaxiintan ayaa gadoodka ugu badan ka qaba in guddiyada magacaaban ay maamulaan doorashada dalka, iyagoo aaminsan in aysan doorashadu noqonayn mid xor ah iyo xalaal ah, maadaama sida ay sheegeen xubnaha guddiyadaas ay yihiin kuwo laga soo kala xushay NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Intooda badan musharraxiintan waxay Muqdisho soo gaareen maalmihii u dambeeyey, waxayna isku baheysteen gadood ay ka qabaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka oo ay madaxtinimadiisa u wada hanqal taagayaan.

Musharaxiinta maalinkii labaad uu shirkoodu gelayo ayaa waxaana lagu wadaa in Isniinta berri ah ay war-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email