Sheriif Sheekh Ahmed oo goordhaw gaaray Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Goordhaweyd gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Socdaalka Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada qaran Sheekh Shariif uu ku tagay Jowhar ayaa kusoo aaday xilli lagu guda jiro dhismaha labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Shariif waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya xubno xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay Deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle

Kulamo ayuu la yeelanvdoonaa qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta Dowlad gobaleedka Hirshabeelle sida ay sheegayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya.

Xorriya.com

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email