Sheekh Shariif oo ku wajahan Baydhabo iyo ujeedka safarkiisa oo la shaaciyay

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu bilaaw u yahay socdaalo uu ku tagayo magaalooyinka dalka, si uu ugu ololeeyo doorashada soo socota.

Magaalada baydhabo ayaa waxaa Maanta laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, iyada oo Amniga si weyn loo adkeeyay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku shirsan Muqdisho, kuwaaso oo Gelinka hore ee Maanta Warmurtiyeed soo saarayo, kaddibna uu u duuli doono Magaalada Baydhabo.