Shacab careysan oo isugu soo baxay wadooyinka Armenia, iyagoo dalbanayaan in xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaaraha dalkaas

Shacab Careysan ayaa isugu soo baxay dalka Armenia , Waxay Dalbanayaan in Xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan. Waxay ku eedeeyeen inuu Khiyaamay dalkiina uu gacanta ka baxay.

Ra’iisul Wasaare Nikol Pashinyan ayaa yiri:
Inaan galo heshiis is-dhiibid ah waan ku qasbanaa haddii kale waxaa maxbuus noqon lahaa 20,000 oo Askari, Dad badan oo kalana wey dhiman lahaayeen“.

Xilliyada guul darada waxaa lagu gartaa Geesiga inuu qiimeeyo Xaaladda dhabta ah ee Ciidankiisa iyo Awoodiisa. Xamaasad been ah iyo Is-maqiiq aan laga fiirsan waxay dhashaa in lawaayo jiritaaan kaaga“.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay Mr Pashinyan nin qaatay go’aan geesinimo, xalka ugu dhaw waa inuu iska casilaa kursiga ayee yiraahdeyn marka uu hubsado in ciidanka soo nabad laabteen.