SAWIRRO: Guddoomiye Cumar Finish oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib howl shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, walow dadka qaarna ay ku sheegayaan in arimo caafimaad uu halkaa u jirey

Mahadcelin kadib, Duqa Muqdisho ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiinta maamul gobolka Banaadir ku bogaadiyay shaqadii mugga lahayd ay ka qabteen maareynta Biyihii roobka ay ka tageen ee fariistay wadooyinka qaar ee caasimadda.

Guddoomiye Cumar Finish waxa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Gole, Guddoomiyasha Degmooyinka, Agaasimayasha Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Madax kale.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email