Sawirrada: Cumar Carte oo maanta lagu aasay Hargeysa

Waxaa maanta magaalada Hargeysa oo uu shalay ku geeriyooday lagu aasay Allah ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo ahaa ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya muddo dheerna ahaa wasiirka arimaha dibada, laguna tilmaamo inuu ka mid ahaa horyaalkii diblomaasiyiinta qaaradda Afrika.

Waxaana aaskiisa ka qeyb galay boqolaal qof oo isugu jiray mas’uuliyiin, shacabka, odeyaasha dhaqanka.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland.

Marxuumka oo indhawaalaba ku xanuunsanayay magaaladaasi ayaa waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Soomaaliya, waxa uuna ahaa ruug-caddaa muddo dheer soo shaqeynayay, Carabta, Afrika iyo Caalamkana aad looga yaqaannay.

Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii uu gumeystaha heystay Soomaaliya, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa burburkii Soomaaliya kaddib.

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email