SAWIRO: Xasan Kheyre iyo murashixiin kale oo maanta Muqdisho soo gaaray

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ku maqnaa safar dibada ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirar ay ku yeelan doonaan Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku dhawaaqi doonaan Gole ay ku mideysan yihiin.

Musharixiinta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid Xasan Cali Kheyre Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mucaaradka ay qaadici doonaan guddiga doorashada ee ay Xukuumadda soo magacowday, sidoo kale waxaa ay sameyn doonaan qorshayaal barbar socota kuwa dowladdu u qaaday hannaanka doorashada Soomaaliya.