Saraakiil uu kamid yahay Jeneraal Gabre oo la amray in la soo xiro

Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jeneraal Gabre oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Dhanka kale, xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay inay beegsanayso dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray, xilli uu meel adag marayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.

Waxaa aad u adag in xog sax ah laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo maadaama khadadka isgaarsiinta ay wali go’an yihiin.

Hogaanka Tigray ayaa sheegay inay iska caabiyeen duulaanka, waxaana ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen inay beegsanayso dadka rayidka ah.

Weli waxaa socda qulqulka qaxootiga ka cararaya colaadda Tigray ee gaaraya Sudan oo daris la ah dalka Itoobiya.

Billene Seyoum oo ah afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Itoobiya la xirxirayo dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tigrey.

Balse waxay qirtay in uu jiro xarigga xubno ka tirsan waxa ay ugu yeertay shabakad dambiilayaal ah.

Dhanka kale Ciidamada dowladda fedaraalka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigrey.

Magaalooyinka ay militariga qabsadeen ayaa waxaa ay kala yihin Shire iyo Axum.

Hogaamiyaha goboilka Tigrey Debretsion Gebremichael, oo qudhiisa ku dhashay magaalada Shire, ayaa telefishinka maxaliga ah u xaqiijiyay in magaalooyiinkaasi ay gacanta u galeen ciidamada fedaraalka.