Sacuudi Carabiya oo beenisay kulankii Mohammed bin Salman iyo Benjamin Netanyahu

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudi Carabiya ayaa beeniyay wararka sheegaya in kulan dhexmaray dhaxal sugaha boqortooyada Mohammed bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu maalintii Axada.


Warbaahinta Israa’iil ayaa goor sii horreysay soo warisay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu wadahadal qarsoodi ah kula yeeshay Sacuudi Carabiya Axaddii amiirkii dhaxalka lahaa ee bin Salman.

Warbixintan ay sii daayeen warbaahinta Israel iyo wargeysyada kale ayaa yimid toddobaadyo kadib markii Israel ay heshiisyo la saxiixatay Imaaraadka, Baxreyn iyo Suudaan.

Heshiisyadan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo xafiiska ka tagaya wax ka yar labo bilood.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, oo isbuucii hore ku sugnaa Israel, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wadahadaladaas la soo sheegay, sida uu sheegayo wariye Israel ku sugan.

Xigasho: Al Jazeera