Rooble oo wasaarado iyo gobolka Banaadir u xil saaray wax ka qabashada xaalada ka taagan Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay la xanuunsayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay shirkii banbaxa Golaha Wasiirrada ee shalay ka bilowday Muqdisho, ayaa faray wasaarradaha kala ah wasaarada arrimaha gudaha iyo wasaarada maareynta masiibooyinka inay u gurmadaan dadka danta yare e roobabku saameynta ku yeesheen.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale maamulka gobolka Banaadir ku amray maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaar in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email