Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan oo u geeriyooday COVID-19

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq Al Mahdi ayaa u geeriyooday cudurka Covid-19 xilli lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xisbiga uu ka tirsanaa ee NUP.

Waxaana cisbitaalkan la dhigay kaddib markii 21 qof oo ka tirsan qoyska Al Mahdi ay qaadeen cudurka horraantii bishan.

Saadiq Al Mahdi wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Suudaan tan iyo sanadkii 1989-kii xilliggaas oo xilka looga tuuray afgembigii uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

Sadiiq Al Mahdi wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyay ee Suudaan ee si dimuqraadi ah lagu soo doorto ka inta uusan dhicin afgembigii militeri sanadkii 1989-kii.