Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo gaaray magaalada Baydhabo+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan wafdi wasiirro ah waxaa garoonka diyaaraha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo shacab fara badan.

Inta uu joogo waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kulammo la yeelan doonaa madaxda dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo dowladdu ka hirgalisay Koofur galbeed isagoo kuwoo kalena dhaga dhigi doona.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email