Qoor Qoor oo bilaabay dadaallo uu ku dhex dhexaadinayo dowladda iyo musharaxiinta mucaaradka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo Muqdisho u yimid arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo muranka ka taagan guddiga maamulaya ee heer federaal & heer Dowlad Goboleed ayaa sameeyay kulamo kala duwan oo badankood la qaatay Musharixiinta cabashada qabta.

Qoor-Qoor ayaa tan iyo 15-ka November 2020 oo haatan laga joogo 15-Cishe waxa uu la kulmay dhinacyo kala duwan sida Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ku hamineysa ku guuleysiga Doorashada 20/21 gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Galmudug.

Shakhsiyaadka uu Qoor Qoor la kulmay waxaa kamid ah: Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Madaxweynaha Galmudug ayaa isu arka in uu xal ka gaari karo isu soo dhaweynta Dowladda Federaalka & Musharixiinta ku kala aragti fogaaday hab maamulka Doorashada 20/21.

Qoor-Qoor oo kaashanaya waaya-aragnimada uu ka dhaxlay Shirarkii Dhuusamareeb 1,2 & 3 ee isu soo dhaweynta Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, ka doodista nuuca doorashada oo jaha-wareer ka taagnaa iyo kulamadii is fahamka ku dhamaaday ee doorashada laga gaaray.

Qoor-Qoor oo marka la barbardhigo madax goboleedyada kale, waa shakhsiga ugu dhaw ee xiriirka wanaagsan la leh Dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21.

Haddaba, Suuragal ma tahay in Madaxweyne Qoor-Qoor uu isu soo dhaweeyo dolwada federaalka Soomaaliya iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21?

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email