
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyagoona ka wada-hadllay arrimo la xiriira geedi-socodka Doorahada 2020-2021.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si gaar ah loogu lafaguray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wadar-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.
Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016.