Qarax xoogan oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax ayaa ka dhacay saaka aroortii hore degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in lala beegsaday Maqaayad ay ku sugnaayen ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen warbaahinta maxaliga ah, qaraxa waxuu ahaa mid xooggan, waxaana jugtiisa laga Maqlay xaafadaha ku teedsan halka qaraxa lala beegsaday, waxaana si gaar ah uu uga dhacay qaraxa Shanta Golaha Sare ee degaanka Lafoole.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, ciidanka dowladda ayaa gaaray halka wax ka dhaceen, waxay sameynayaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxas

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email