Qarax lala eegtay ciidamada “Harmacad”

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in miino la dhigay wadada dhinaceeda jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye uu ku qarxay gaari ay leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad.

Illo ku dhawdhaw booliska ayaa sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaana uu burbur soo gaaray gaarigii ay ciidanku wateen.

Ciidankan ayaa maalin kasta roondo ka sameeyaa waddada iyagoo ilaalo ka haya shaqaallaha shirkad Turki ah oo dhisaysa laamiga u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan waxase aalaaba qaraxyada waddooyinka hareerahooda la dhigo ee lagu weeraro ciidamada dawladda sheegta ururka Al-Shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email