Qaban qaabada Shir maanta Muqdisho uga furmaya musharaxiinta mucaaradka ah

Waxaa saacadaha soo socda maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo musharaxiinta mucaaradka ah ee sanadkan u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiintaan ayaa badankood maalmihii u dambeeyey soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna ka kala yimaadeen dalalka caalamka, haba ugu badnaateen Kenya.

Inta badan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad u diidan hanaanka ay xukuumadda Farmaajo u wajaheyso arrimaha doorashada.

Xalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulamo dhex maray siyaasiyiinta mucaaradka ah, gaar ahaan kuwa isu soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamadaas xogaha aan ka helnay waxay sheegayaan in masuuliyiintu uga arrinsanayeen shirka maanta oo Sabti ah Muqdisho uga furmaya oo haatan qaban qaabadiisa ay ka socoto Hotel-ka Jaziira.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email