Puntland: Buuq iyo fowdo ka dhashay kulankii baarlamaanka oo dhaliyay in lagu kala dareero

Fowdo iyo buuq ayaa hareeyay kulankii baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland, taasoo keentay in kulanka lagu kala dareero.

Wararka ayaa sheegaya in fadhigii Golaha Wakiillada Puntland ee maanta la isku maandhaafay markii xildhibaannada qaarkood ay dalbadeen in kulanka mid xiran laga dhigo oo saxaafadda dibadda looga saaro, iyadoo loo ballansanaa in lala xisaabtamo Wasiirka Qorshaynta Puntland.

Xildhibaanada ayaa ku dooday inay qabaan cabasho ku saabsan Guddoonka oo ay doonayeen inay soo gudbiyaan, laakiin waxaa arrintan ka hor yimid Guddoomiyaha Baarlamanka, Cabdirashiid Yuusuf, waxayna arrintii dhalisay muran iyo buuq hareeyay fadhiga Baarlamanka.

Xildhibaannada qaar ayaa kacay oo Guddoonka hortegay iyadoo ku qeylinayay inay cabasho qabaan oo ay doonayaan in guddoonka Baarlamaanka kala doodaan, waxayna xaaladii isu bedeshay qas iyo jahawareer keenay in kulankii lagu kala dareero.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email