
Pep Guardiola ayaa u saxiixay kooxda Man City heshiis-kordhin laba sano ah.
Pep, oo 49 jir ah, ayaa City lasii joogi doona ilaa 2023-ka.
Qandaraaskiisii hore ayaa ku ekaa bisha June ee sanadka soocda, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay qandaraaska cusub.
Macallinkan Spanish-ka ah ayaa City kusoo biiray 2016-kii, waana kooxda waqtiga ugu badan uu la joogay waayihiisa tababbarnimo.
Ibrahim Geddow Awale