Obama: Fari kama qodno soo celinta runtii uu “suuliyay Trump”

Mareykanka ayaa haatan waxaa horyaal hawl aad u weyn oo ah sidii wax looga qaban lahaa wararka aan xaqiiqada ku salaynayn ee kala qeybinaya shacabka dalkaasi, sida uu haatan sheegaya madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Obama oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da qeybteeda adduunyada la hadasha ayaa sheegay in shacabka Mareykanka uu haatan aad u kala qeybsan yahay marka loo eego sidii uu ahaa afar sano ka hor inta uusan Donald Trump la wareegin xukunka dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in doorashadii dhawaan lagu doortay Joe Biden ay tahay mid billow u noqon doonto in shacabka la mideeyo.

Waxay qaadan doontaa wax ka badan hal doorasho si wax looga qabto kala qeybsanaanta shacabka Mareykanka,” ayuu yiri Obama.

Waxa uu sheegay in mideynta shacab kala irdhoobay aanan loo deyn karin siyaasiinta oo kaliya balse loo baahan yahay buu yiri isbadal dhanka hoggaanka ahi iyo in dadku ay is-dhageystaan “Oo ay ku heshiiyaan waxyaabaha laga wada siman yahay ee xaqiiqada ku saleysan ka hor inta aan laga doodin” waxa laga yeelayo arrimahaasi.

Haseyeeshee Obama waxa uu rajo ka muujiyay aragtida iyo fikradaha jiilka soo socda, wuxuuna ku booqriyay dhallinyaradu in ay barbaariyaan rajadaasi mustaqbalka ee ah in dunidu ay isbadali doonto isla markaana ay qeyb ka noqdaan isbadalkaasi.

Obama ayaa maanta oo talaado ah la filayaa in uu soo saaro buuggiisa xusuus-qorka oo uu kaga hadlayo sidii uu ku noqday xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Mareykanka iyo markii ugu horreysay ee uu noqday madaxweynaha Mareykanka. Buuggani ayaa ka mid ah laba buug oo uu ka qoray muddadii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka.

Xigasho: Bbc

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email