Nuxurka heshiiska ay kale saxiixdeen xukumadda Soomaaliya iyo midowga yurub

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa shir guddoomiyay kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Xukuumadda iyo Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay magaaladda Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo diblomaasiyiinta reer Yurub, ee fadhigoodu yahay Xarunta Xalane waxaana diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta hanaanka dhaqan dhaqaale ee dalka iyo is bedelada siyaasadeed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku iftiimiyay qodobadii ugu waaweyn ee kulankaasi looga hadlay.

Waxaan guddoomiyay wadahadal heer sare ah oo Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay leeyihiin, waxa uuna ku saabsanaa arrimaha wadaagga labada dhinac ee loola jeedo in lagu sii xoojiyo iskaashiga socda ee doorashooyinka soo socda, dib-u-habeynta dhaqan dhaqaale iyo is bedelka siyaasadeed ee ku saleysan ruuxda hindisaha horumarineed, ee ay leeyihiin Soomaalida iyo kuwa ay hoggaamiso Soomaalida.” Ayuu yiri Rooble.

Kulankan ayaa kusoo aadaya, xilli inta badan musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee dalka, ay si weyn uga horyimaadeen Guddiyada Doorashooyinka.

Waxaan maanta goobjoog u noqday saxiixa iyo bilowga wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro. Waxaa heshiiska saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga.

Waxaan rajeynayaa in barnaamijkani wax badan ka taro koboca dhaqaalaha dalka”. Ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul wasaare Rooble.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email