Musharixiiinta muraacadka ee xilka Madaxweynaha u xusul duubaya oo xoogga saaraya dowlad goboleedyada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Madaxweynaha 20/21 ayaa Magaalada Baydhabo ka wada kulamo looga xaajoonayo Doorashada Dalka.

Kulamada intooda badan waxa uu la qaatay mas’uuliyiinta sare ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, qaybaha kala duwan ee Bulshada & shaqsiiyaadka uu u arko in ay kaalin muuqata ku leeyihiin Doorashada Soomaaliya 20/21.

Wafdiga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ujeedkooda ah sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada si ay ugu bandhigaan tabashada ay ka qabaan shaqsiyaadka qaar ee lagu daray Guddiyada Doorashada 20/21 & habka Dowlada Federaalka Soomaaliya ay wax u maamuleyso.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Habeenkii Talaadada Todobaadkaan weerar afka ah ku qaaday Musharixiinta Madaxweynaha ee dhaliilsan Guddiga Doorashada isla markaana difaacay habka loo maray soo magacaabistooda ayaa qaabilay wafdiga Shariif Sheekh Axmed.

Horaantii November 2020, Labo jeer ayuu tagay Shariif Sheekh Axmed Magaalada Jowhar oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo xiligaas ay ka socotay howsha lagu dhisay Maamulkaas oo ugu dambeyn 11-ka November 2020 la doortay Madaxweyne & ku xigeenkiisa.