Musharaxiinta xilka madaxweynaha oo baaq xoogan u diray maamulada Puntland iyo Jubbaland

Qaar kamid ah murashaxiinta xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in xubnaha ay u soo magacaabeen guddiga doorashada heer federaal ka saaraan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka.

War saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, isla markaana ay bedelaan xubnaha shaqaalaha rayidka ee ku jira labada Guddi.

Sidoo kale Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxay mar kale ku celiyeen in magacaabista Guddiyada la waafajiyo heshiisyadii siyaasadeed ee horay loo gaaray.

Halkan hoose ka akhriso:

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email