Musharax madaxweyne Abdikariin Xuseen Guuleed oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Musharax Madaxweyne, Guddoomiyaha guud ee Xisbiga Sahan sidoo kalena ahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu soo dhaweeyey hadda Magaaladda Muqdisho.

Imaanshiyaha Guuleed ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan magaalada Muqdisho lagu wado in ay soo gaaraan dhamaan Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiin kale oo mucaraad ku ah dowladda Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in musharaxiinta markii ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ay yeelan doonaan kulan, kaas oo dhici doono Sabtida iyo Axad soo aadan kadibna waxay ku dhawaaqi doonaan Isbaheysi ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Musharaxiinta ayaa kulankooda laga filanayaa in markale ay soo saari doonaan go’aano looga soo horjeedo guddiyada doorasahada Soomaaliya, iyadoona ilo xogagaal ah ee noo xaqiijiyeen in haddii laga jawaabi waayana waxay sameen doonaan guddiyo doorasho.

Si akstaab, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hordhac u ah musharixiinta kusoo qulquli odona magaalada Muqdisho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email