

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa hambalyo iyo bogaadin soo daahday u diray Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca hey’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland iyo kan shacabka reer Jubbaland, waxaan hambalyo waafi ah u diraya madaxda cusub ee dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo howsha culus ee loo igmaday.”
Dhanka kale muddo aamusnaan ah kaddib dowladda Shiinaha oo ugu dambeyn u hambalyeesay Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka Mareykanka doorteyn ee Joe Biden.
“Waxaan qaddarineynaa doorshada shacabka Mareykanka, waxaan u hambalyeeyneynaa Biden iyo Hariss.” ayuu yiri afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.
Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ah mid u muhiim u ah labada dal iyo guud ahaan caalamka, waxaana labadan dal ka dhex taagnaa dagaal dhanka ganacsiga ah xilligan safmarka Corona.
Ruushka ayaanan weli wax hambalyo ah u dirin Biden.
Afar sano ka hor madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu kamid ahaa madaxdii ugu horreysay ee hambalyada u dirtay Donald Trump balse xilligan lagama hayo wax farrin ah ama hambalyo ah uu u diray Biden.
Xorriya Online