Mohamed Salah oo ku biiray liiska xiddigaha uu haleelay Covid-19

Xiddiga Liverpool ayaa la mariyay tijaabada COVID-19 intii uu ku sugnaa dalkiisa Masar, isagoona ku gudda jira gudashada waajibaadkiisa qaran.

Xiriirka kubada cagta dalkiisa ayaa xaqiijiyay arintaan jimcihii maanta, iyagoona sheegay in Saalax aysan ka muuqan waa astaamo ah laakiin uu iskiis isku karantiilay.

Cudurkaan laga helay dartiis waxay u badan tahay inuu ka maqnaan doono kulamada isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee Masar ee ay la leeyihiin Togo Sabtida, halka Talaadada laga yaabaa inuu seego kulanka Liverpool ee Premier League-ga ee ay la ciyaarayaan Leicester City 21-ka Nov iyo weliba kulanka Reds ee ’UEFA Champions League-ga la balansan tahay kooxda Atalanta bisha Nofeembar 25-keeda.

Salah ayaa dhaliyay 10 gool 13 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan. Maqnaanshihiisa ayaa wiiqi doona weerarka Reds inta lagu jiro kulamada soo socda.

Salah ayaa noqonaya ciyaaryahankii shanaad ee Liverpool ah ee uu haleelo cudurkaan tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii 2020-21, isagoo ku biiraya liiska xiddigaha Liverpool u cayaara ee uu hore ugu dhacay caabuqa Coronavirus kuwaas oo kala ah Thiago Alcantara, Sadio Mane, Konstantinos Tsimikas iyo Xherdan Shaqiri.

Waxaa tarjumay: Mohamed Farah

Isha Warkaan: https://nesn.com/2020/11/liverpools-mohamed-salah-tests-positive-for-covid-19-on-international-duty/

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email