Milatariga Itoobiya oo “si buuxda ula wareegay” gacan ku heynta caasimada Tigray

Milatariga Itoobiya ayaa ‘si buuxda ula wareegay’ gacan ku heynta caasimada Tigray, sida ay sheegtay dowlada federaalka Itoobiya war iminka soo dhacay.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay In Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka itoobiya taas oo calaamad u ah soo afjarida wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta.

Ciidanka ayaa qoraalka lagu sheegay in sameeyeen arimo ay ka mid yihiin xaqiijinta siideynta maxaabiis ka tirsan taliska waqooyi ee ciidanka Itoobiya kuwaas oo TPLF u xirnaa.

Ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay goobaha muhiimka ah danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowlada.

Booliska federaalka ayaa qoraalka lagu sheegay in ay iminka shaqadooda qabsanayaan iyaga oo soo qabanaya dambiilayaasha TPLF si sharciga loo marsiiyo.

TPLF wali arintan kama hadlin balse waxay saakay qireen in ciidanka dowlada ay bilaabeen weerar ka dhan ah Mekelle.

Dagaalka waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka federaalka ayaa bilowday afartii bishaan, iyadoona ugu dambeyn caawa lasoo afjaray walow aan la ogeyn sida xaal noqon doono waqtiyada soo socda.

Xorriya Online


Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email