Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo yeeshay Guddoomiye, Xogheyn iyo Afhayeen (Akhriso)

Musharaxiinta Madaxweynaha oo maalintii 4-aad shir uga socda magaalada Muqdisho ayaa maanta doortay shir guddoon.

Guddoomiye ayaa waxaa loo doortay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Xogheyn waxaa loo doortay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda, halka Afhayeen loo doortay Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore.

Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa maanta laga soo saari doonaa War murtiyeed.

Saddexdii maalmood ee shirka u socday Musharaxiinta Madaxweynayaasha ayaa kulamo gaar gaar la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada rayidka.