Maxuu yahay ajendaha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka?

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku kulmaya xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa.

Kulanka maanta ee xildhibaanada waxaa hor yaalla seddax ajande, sida lagu xusay fariin loo diray xildhibaanada, waxayna kala yihiin.

1-Warbixin ku saabsan saameynta COVID-19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada.

2-Warbixin ku saabsan saameynta Coronavirus ee ganacsiga dalka.

3-Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka socdaalka Soomaaliya.