Maxay tahay qorshaha dalka looga eryay danjiraha Kenya ee Soomaaliya?

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan ay wadatashi ku sheegtay oo ay ugu yeeratay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, sidaas oo kale waxa ay Dowladdu ka dalbatay Danjiraha Kenya ee Soomaaliya in uu dalkiisa dib ugu noqdo una tago Waddankiisa la tashiga Dowladdiisa!

Sababta u yeerashada Danjiraha Soomaaliya ee Kenya iyo dalbashada in Danjiraha Kenya ee Soomaaliya uu dalkiisa u tago Wadatashi waxa ay xukuumadda Soomaaliya ku sheegtay in Kenya ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Waddanka Soomaaliya, dhaqanka diblomaasiyadeed ee Kenyana uu yahay dhaqan aan ku habboonayn kana baxsan dowlado ay kadhexeeyaan dano iyo derisnimo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegtay in Dowladda Kenya ay cadaadis ku hayso madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ayna ku dirqineyso in uu fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada iyo xukuumadda dhexe ku gaareen magaalada Muqdisho 17-Sep-2020.

Tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya ee hoos u dhigidda xiriirka Kenya iyo eedeymaha dhinaca Diblomaasiyadda iyo xiriirka waxa loo arkaa in ay yihiin qorshe cusub oo xukuumaddu kula dagaalameyso mucaaradka & guud ahaan musharixiinta xilka madaxtinimo ee doorashooyinka 2021.

Go’aanka Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyada oo 28-Nov-2020 uu madaxweynaha DG Jubbaland rejo xumo ka muujiyey in sida uu yahay xaalka siyaasadda Soomaaliya aysan suuragal ahayn in doorasho ku dhacdo, Axmed Madoobe ayaa yiri: “Dadka maamulka haaye ee madaxda faderaalka ah waa in ay fuliyaan wixii lagu heshiiyay waxaan ku heshiinay in doorashadaasi dhacdo state(maamul)walba laba meelood ku qabto, waxaan diyaar u nahay in aanu qabo oo laba meel ku qabano laakiin waa goorma? Waa marka ay gacanteena ku soo noqota ee gudoomiyaha gobolku uu tago,ee ku xigeenkiisu uu tago, ee maamuladii degmooyinka ay tagaan, ee madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa ay tagaan, wasiiradda iyo xildhibaanadu intay tagaan ay wax ku samayn karaan”.

Go’aanka Dowladda Soomaaliya ku gaartay hoos u dhigidda xiriirka Kenya waxa ay filayaan diblomaasiyiinta iyo falanqeeyeyaasha xiriirka caalamiga ah in uu dhabarjab xoogan ku noqon doono xubnaha mucaaradka dalka.

Xorriya Online

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email