Maxay dunida Muslimka uga dhigan tahay doorashada Biden?

Dad badan ayaa aaminsan in Biden ka shaqsiyad iyo siyaasad duwan yahay madaxwenaha laga guuleystay Trump oo ay aad u kala fogaayeen qeybo badan oo dunida Islaamka ah. Biden ayaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsi fahansan waaqaca adduunka ka jira haddii ay tahay mid caqiido, midab iyo dhaqan, asagoo waayo-aragnimo ka helay muddadii uu ka tirsanaa maamulka Obama.

Xilligii ololaha doorashada Biden waxaa aad u taageeray dadka soo galootiga ah, kuwa kasoo jeeda Latin ee Latinos-ka la yiraahdo, dadka madoowga ah iyo Muslimiinta oo dhammaantood ka dhex arkay ololaha Biden inuu kasaari karo culeys-yada shaqo la’aaneed, faquuq, xayiraad safar iyo isir naceyb ee ku dhashay ama sii xoogeystay muddadii uu Trump xilka hayey.

Biden ayaa marar badan u ballanqaaday Muslimiinta Mareykanka in marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne-nimo uu gabi ahaanba meesha ka saari doono xayiraadii dhanka safarka ee saarnayd 7 dal oo Islaam ah, taasoo la filayo inay dhaqan gasho marka ugu horreysa ee uu xilka la wareego.

Muslimiinta kunool Mareykanka ayaa doorashada sannadkan uga qeyb qaatay cadadkii ugu badnaa ee dhanka cod-bixinta taasoo ay 80% dadkii xaqa u lahaa cod-bixinta codkooda dhiibteen, waxayna muujinaysaa xiisaha iyo xamaasadda ay u laheyd inay mar codkooda ku taageeraan Biden marna meesha ka saaraan Trump.

Dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka kunool oo 1% ka ah mujtamaca dalkaas ayaa Biden hordhigay codsi ka ballaaran midda xayiraada safarka oo ay kamid ahaayeen wax ka qabashada faquuqa iyo naceybka diinta, laalidda barnaamijka ka hortagga rabshadaha iyo argagixisada oo ay Muslimiintu aaminsan yihiin inuu sigaara u bartilmaameed-sanayo dadka Muslimka ah, ka qeyb-galinta maamulka cusub, joojinta dhaqaalaha Mareykanku siiyo Israel inta ay uga hoggaan-sameyso sharuucda caalamiga ah iyo in safaaraddii Mareykanka ee loo raray Qudus dib loogu soo celiyo magaalada Tel Aviv.

Tirada dadka Muslimiinta Mareykanka ah oo aad u yar marka la barbardhigo mujtamaca kale ayaa inta badan sabab u ah inaysan musharaxiintu siinin ahmiyad weyn aqbalaada iyo fulinta dalabaadkooda, taasoo keeni doonta inuu Biden dalabaadkan qeyb ka fuliyo qeybo badanna iska indhatiro.

Marka laga tago gudaha Mareykanka, Biden ayaa la rumeysan yahay inuu dunida Islaamka kula macaamili doono siyaasad ka dabacsan middii maamulka Trump. Waxaa laga raja qabaa inuu Biden soo celin doono heshiiskii Nuclearka Iran oo uu wax-weyn kala socday heerarkii uu soomaray iyo saxiixiisa, islamarkaana Iran ka qaadi doono cuno-qabateynta.

Biden inuu qaato go’aanka ah in Iiraan laga qaado cuno-qabateynta waxuu kala kulmi doonaa qalqaalo iyo catoow badan oo uga yimaada saaxiibbada Mareykanka ee gobolka sida Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatka taasoo aan qudheeda sahlaneyn.

Marka loo yimaado arrinta murugsan ee Falastiin, waxaa suuragal ah inuu Biden iskudayo inuu soo nooleeyo wadahadalladii Falastiin iyo Israel balse rajada laga qabi karo inay miro dhalaan way adag-tahay sababtoo ah Israel horey ayey u gaartay ujeedkeeda lagamana rajo qabo cadaadis mug leh oo ka imaan doona dhanka maamulka Biden oo ku qasbi kara inay Israel gasho wadahadal dhab ah asagoo maanka ku haya waxii qabsaday saaxiibkiis Obama markii uu ku fogaaday arrinta Falastiin iyo Israel.

Sidoo kale Biden kuma dhiirran karo inuu faraha lagalo arrinta meeqaamka magaalada Qudus oo maamulka Trump gacanta u galiyey Israel, waxayna u badan tahay in asaga oo tixraac kadhiganaya go’aanka maamulkii hore uu ka gaabsado kana dhigo eed ay masuuliyaddeeda lahaayeen maamulka ka horreeyey.

Arrinta meeqaamka Qudus badalkeeda Biden waxuu ku dhiirran karaa inuu Israel ku cadaadiyo joojinta dhismaha dhulka daanta Galbeed ee Falastiin iyo inuu soo celiyo dhaqaalihii Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin iyo hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha dadka Falastiin ee uu jaray maamulkii Trump taasoo uu Biden dunida Islaamka iyo maamulka Falastiin ku indha-sarcaadin doono.

Marka aan fiirino qilaafka ka dhex-aloosan waddamada Khaliijka, Biden waxuu haystaa fursad uu kudhex-dhexaadin karo labada dhinac maadama ay dhinacyadu u haystaan shaqsi dhex-dhexaad ka ah qilaafkooda oo aanan ka laheyn dano shaqsi misna hoggaaminaya dowladda ugu awoodda weyn caalamka, balse waxaa suuragal ah in danaha ay shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanku ka leeyihiin sii socoshada qilaafkan uu ku qanco in sida uu hadda xaalku yahay loo daayo taasoo dan u ah dhaqaalaha Mareykanka gaar ahaan shirkadaha hubka iibiya.

Marka loo weecdo dagaalka dalka Yemen, waxaa dhicikarta inuu Biden xulufada Sacuudiga iyo Imaaratka ku cadaadiyo inay soo afjaraan dagaalka Yemen asagoo daliil-sanaya gabbood falladii bini’aadannimo ee ka dhacay dalkaas, taasna ay horseeddo in dowlad wadaag ah oo aan sal-balaaran ku fadhinin lagu maquuniyo dhinacyada isku haya siyaasada Yemen.

Haddii aan u nimaadno arrinta dalkeena, maamulkii Trump waxuu shaaciyey bishii Oktoober ee sannadkan in maamulkiisu diyaariyey qorshe lagu dhimayo tirada ciiddamada Mareykanka ee kusugan Soomaaliya taasoo 650 kamid ah 800 askari ee jooga Soomaaliya dib loogu celin doono Mareykanka. Go’aankaas ayey dad badan aaminsan yihiin marka sifiican loo-darso xilliga lagusoo beegay oo aheyd xilli doorasho inuu ahaa mid lagu xod-xodanayey codka qoysaska askartaan si ay codkooda u siiyaan Trump maadaama uu dib usoo celinayo wiilashooda iyo gabdhahooda laakiin uusan aheyn go’aan qaran.

Inkasta oo hadalka iyo go’aanka madaxweynaha xilka haya miisaan leeyahay, haddana askarta Mareykanka ee jooga dalkeena waxay qeyb muhiim ah kayihiin howl-galka guud ee ciiddamada Mareykanka ee AFRICOM, kaasoo ilaaliya maslaxadda Mareykanku kaleeyahay guud ahaan qaaradda Afrika gaar ahaan waddamada istaraatijiga ah oo ay Soomaaliya ugu horreyso.

Haddaba, Biden oo taageero weyn u haya barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku ka fuliyaan waddamada ay kasocdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan waxay u badan tahay inuu sii xoojin doono howl-galka ciiddamada Mareykanka kajooga Soomaaliya wallow aysan meesha ka marnayn sida ay iskula jaan-qaadaan dowladda kusoo baxda doorashada Soomaaliya sannadka danbe iyo maamulka Biden.

Tixraaca: Cadaroosh

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email