Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalla Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay hinside sharciyeedka Maareynta Deegaanka.

Shirka ayaa sidoo kale warbixin looga dhageystay warbixinno ku saabsan amniga dalka, Xanuunka COVID-19 iyo saameynta ka dhalatay roobabka dabeylaha wata ee ka da’ay xeebaha gobolka Bari ee Puntland.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday muhiimada ay leedahay in loo gurmado Shacabka kunool degmooyinka ay saameeyeen Fatahaadaha.

Golaha Wasiirada ayaa soo qaadin eedeynta maalmihii lasoo dhaafay kaga imaanaysay ee ku aadaneyd in guddiga doorashooyinka aysan waafaqsaneyn hanaanka doorashooyinka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email