Maxaa looga hadlay kulankii Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kulan waxaa uu la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ahna musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ahaa mid ay Albaabada u xirnaayeen ayaa sida la sheegay dhacay laba jeer, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxyaabaha ay labada mas’uul ka wada hadleen.

Wararka laga helayo kulankaas ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne hore Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe ka wada hadleen sidii lagu xalin lahaa Odayaasha dhaqanka Hir-Shabeelle qaarkood oo qaba tabasho la xiriirta in la bedelay Xubnihii ay u soo xuleen kamid noqoshada Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale warar kale ayaa waxaa ay sheegayaan in labada mas’uul ay ka wada hadleen Arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya maadaama degaannada dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Jowhar ay kamid tahay meelaha lagu dooranayo Xildhibaannada labada Aqal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale la kulmay Duubabka dhaqanka Hir-Shabeelle ee Xildhibaannada soo xulay, isaga oo kala hadlay tabashada ay qabaan iyo in la qabto gogol dib u heshiisneed oo uu dhigayo magaalada Muqdisho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email