Maxaa lagu gorfeeyay shirkii Banbaxa golaha wasiirrada Soomaaliya?

 Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay kulan ku qaatay hoteel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan waxaa loogu magac-daray Banbaxa golaha wasiirrada waxaana la sheegay in looga hadlay qorshaha xukuumadda cusub iyo arrimaha doorashooyinka dalka, oo si gaar ah ay xukuumadan ugu xil saarantahay fulintooda.

Markii laga soo tago in diirada shirkan uu ahaa arrimaha doorashooyinka, waxaa kaloo looga hadlay arrimaha amniga, kobcinta shaqaalaha, daynta cafinta, horumarinta bulshada, caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka xukuumadda ee 100-ka maalmood, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xukuumadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa kasoo muuqday goobta ay shalay ay ku shirsanaayeen golaha wasiirrada Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email