Maleeshiyad hubaysan oo qoorta ka jaray 50 qof iyo wararkii ugu dambeeyey ee dhacdadaas xanuunka badan

In ka badan 50 qof ayaa qoorta lagaga jaray waqooyiga Mozambique, falkaas oo ay geysteen kooxo ka tirsan maleeshiyada Daacish, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladdaas.

Malleeshiyaadkan ayaa garoon kubadda cagta ah oo tuulo ku yaal u baddalay “Goob dil”, halkaas oo ay ku gawraceen kuna gubeen meydadka dadkaas.

Qoor goyntan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee weeraro argagax leh oo ay mintidiintani ka fuliyaan gobolka gaaska qaniga ku ah ee Cabo Delgado tan iyo 2017.

Illaa 2000 oo qof ayaa la diley ku dhowaad 430,000na guryo la’aan ayey badeen iska horimaadka ka socda gobolkaas oo u badan Muslimiin.

Malleeshiyaadkan waxay xidhiidh la leeyihiin kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka (IS), iyagoo siinaya saldhig ay ku leeyihiin koonfurta Afrika.

Weerarkan ayaa lagu micneeye in uu ahaa kii ugu xumaa ebid oo ay geystaan maleeshiyaadkan ee ka dhaca tuulo u dhaw caasimada dalkaas ee Maputo.

Laba qof ayaa qoorta looga jaray tuuladaas dhowr haweenana waa la afduubay, sida ay u sheegeen wakaaladdaas wareed.


Koox gooni ah oo mintidiin ah ayaa iyana weerar kale oo lagu hoobtay ku qaaday tuulada Muatide, halkaas oo ay qoorta uga jareen in ka badan 50 qof.
Dad isku ayay inay cararaan ayaa la qabtay, waxaana la geeyay garoonka kubada cagta ee maxaliga ah halkaas oo qoorta laga gooyay oo la jarjaray habeenkii Jimcaha ilaa Axadda, sida uu tebiyey warbaahinta gaarka loo maamulo ee Pinnancle News.


Dowladda Mozambique ayaa codsatay kaalmo caalami ah si loo xakameeyo mashaqadan, iyagoo sheegay in ciidamadeeda ay u baahan yihiin tababar gaar ah.


Bishii Abriil, in ka badan 50 qof ayaa qoorta laga jaray ama la toogtay weerar ka dhacay tuulo ku taal Cabo Delgado horraantii bishanna, sagaal qof ayaa laga dilay isla gobolkaas.


Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee Muzambik ay sidoo kale qaadeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan qabqabasho aan loo meel dayin, jirdil iyo dil, inta lagu gudajiray howlgalada lagu xakameynayo kacdoonkan.

Dad badan ayaa naxay, waxayna ku baaqayaan in xal nabadeed laga gaaro khilaafka weeraradaan soo noqnoqday.