Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay qeybo ka mid ah Beledweyne

Maleeshiyadii uu hoggaaminayay Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) ee ku sugnaa deegaanka Ceel-gaal ayaa maanta la wareegay xaafadda Nuur Xawaad ee magaalada Beladweyne, Kontaroolkii ugu weynaa ee Canshuuraha lagu qaado iyo banaanka hore ee garoonka magaalada Beladweyne.

Maleeshiyadaan hubeysan ayaa diidan inuu magaalada Beledweyne yimaado Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo. Sidoo kale maleeshiyadaan ayaa diidan guud ahaan HirShabeelada cusub.

Xiisada ka taagan Beledweyne ayaa cirka isku sii shareertay waxaana laga cabsi qabaa isku dhacyo ciidan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email