Mahdi Guuleed oo jawaab ku digasho leh ka bixiyay bayaankii 12-ka musharax

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ula yaabay war-murtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen 12 musharax oo sanadkan u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay kasoo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab”.

Qoraalka ayaan intaas ku sii daray, “Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya“.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey, “Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray? Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha“.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email